Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2021

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037.

Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021, waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More