Guddiga Doorashada Hirshabelle oo shaaciyay 13 kursi oo lagu dooranayo Beledweyne

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada 13 kursi oo ka mid ah kuraasta taala Beledweyne, Kuraasta la shaaciyay ayaa waxaa ku jira kursiga #HOP086 oo uu ku fadhiyo Faarax C/qaadir, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin.

Hase yeeshee waxaa waxkabedel lagu sameeyay liis hore oo ay guddigu shaaciyeen kaasoo lagu soo daray kursi doorashadiisu ay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa noqonaya maamulkii labaad ee shaaciyay qabashada doorashada golaha shacabka ee deegaan doorashada labaad,iyadoo  hore maamulka Koofurgalbeed uu u qabtay 13 kursi magaalada Baraawe, halka haatan kuraastan la shaaciyay ay doorashadiisu ka dhacayso magaalada Beledweyne.

Hase yeeshee Maamulka Hirshabelle ayaan weli shaacin qabashada illaa shan kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar halka siddeed kursi hore loogu qabtay doorashadooda magaalada Jowhar.

Halkan hoose ka aqriso kuraasta la shaaciyay iyo magacyada xildhibaanada afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay;

#HOP 03 Maxamuud sheikh cabdiraxmaan faarax
#HOP 06 Maxamuud cabdulaahi axmed
#HOP 08 Xuseen cabdi cilmi
#HOP 015 Xiis Xasan Aadan
#HOP 022 Cusmaan Maxamed Cabdi.
#HOP 031 Yuusuf Xuseen Axmed
#HOP 032 Khaliif Cabdi Cumar
#HOP 068 Faadumo Faarax Ibraahim
#HOP 074 Abdulaahi Colaad Rooble
#HOP 086 Faarax Sheekh Cabdqadir
#HOP 109 C/fatax Qaasim Maxamud
#HOP 252 C/siis Saalax Carmaan.
#HOP 274 Maxamed Cabdulaahi Xasan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More