Guddiga Doorashada oo shaaciyay xilliga ay bilaabanayso doorashada Golaha Shacabka

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa war saxaafaded ka soo saaray xaalada doorashada iyo jadwalada is badbadalaya ee horay u soo baxay, kaddib markii ay adkaatay in sidii loo qorsheeyay loo fuliyo doorashooyinka.

Guddiga ayaa shaaciyay in 16 bishan November inay si rasmi ah u bilaabaneyso doorashada Golaha Shacabka, isla markaana lagu soo gabagabeynayo 24 December.

Jadwalkii hore ee doorashada Golaha Shacabka ayaa la qorsheynayay in doorashada lagu qabto 1 October lana soo gabagabeeyo 20 November, waxaana hadda muuqata in bil iyo dheeraad inay ku suurageli weyday, iyadoo labo xildhibaan kaliya laga doortay,

Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal ayaa waxay ugu baaqeen madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.

Sidoo kale guddiga ayaa qoraalkiisa ku xusay in si deg-deg ah ku geynayo dhammaan magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashada agabkii loogu talo galay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More