Ra’iisul Wasaare Rooble oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay magaalada Balcad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa xariga ka jaray Dugsiga Beeraha oo dhowaan laga hirgeliyey degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha dugsiga Beeraha, isagoo warbixinno ka dhageystay maamulka dugsiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay barashada wax soo saarka dalku in ay faa’iido weyn u leedahay isku tashiga bulshooyinka, loona baahan yahay in dugsigani uu soo saaro aqoon yahanno Soomaaliyeed oo ka faa’iideeya kheyraadka dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay odayaashii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad, ayna mudan yihiin bilad sharaf.

Intii uu booqashada ku joogay ra’iisul wasaare Rooble magaalad Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxa uu kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socota Balcad

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo la wadaagay baahiyaha nololeed ee ka jira deegaanka, qorsheyaasha horumarineed ee ka socda deegaanka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta dowladda iyo shacabka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay mashaariic horumarineed oo dowladdu ay ka waddo Balcad iyo guud ahaan Gobolka, kuwaas oo ay ka mid tahay waddada gabo-gabada mareysa ee isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

Injineerrada iyo howlwadeennada ka socda dalka Turkiga ee gacanta ku haya dhismaha qaar ka mid ah mashaariicdaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan, taas oo rajo gelinaysa koboca nolasha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiga ee sida nafhurnimada leh ugu howlgalay hirgelinta iyo dhismaha mashaariicdan, waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen argagixisada hortaagan horumarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada, sida buundada Iyo suuqa degmada Balcad.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More