Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo shaaciyay in dib loogu laabanayo kuraasta la hakiyay

April 06 (Jowhar.com)- Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa shaaciyay in dib loogu laabanayo doorashada afarta kursi ee la hakiyay.

Guddiga ayaa sheegay in Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii uu guddigu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono.

Kuraasta uu go’aamiyay Guddiga ayaa waxaa ka mid ah kursiga #HOP086 #HOP103 #HOP204 #HOP254

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More