Madaxweynihii hore ee Burkina Faso,Compaore oo lagu xukumay xabsi daa’in

April 06 (Jowhar.com)- Maxkamad ku taal magaalada Ouagadougou ayaa xabsi daa’in ku xukuntay madaxweynihii hore ee Burkina Faso, Blaise Compaore, kaddib markii lagu helay inuu dilay Thomas Sankara.

Xukunkan oo in muddo ah la sugayay ayaa soo xiraya dacwad lix bilood ah oo loo haystay Sankara oo la dilay 15kii Oktoobar 1987.

Dacwad oogayaasha militariga ayaa codsaday in lagu xukumo 30 sano ah Compaoré, kaas oo lala maxkamadeeyay saddex iyo toban kale.

Sankara, oo ahaa hogaamiye Afrikaan ah oo la ixtiraamo, ayaa isaga iyo 12 kale lagu dilay weerar lagu qaaday.

Compaore laf ahaantiisa waxaa lagu qasbay inuu xafiiska ka tago 2014 ka dib kacdoon dadweyne ka dib 27 sano oo uu xukunka hayay, wuxuuna u cararay Ivory Coast, halkaas oo uu ka qaatay dhalashada Ivory Coast.

Compaore, oo 70 jir ah, waxa uu had iyo jeer diidaa eedeymaha ah in uu amray dilka Sankara

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More