Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo ansixiyay kurisga HOP#067

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyey baaritaanka dacwaddii laga gudbiyey kursiga nambarkiisu yahay HOP#067 isagoo sheegay in hab raac sax ah loo maray doorashada kursiga uu ku guuleystey taliyaha kumeelgaarka ah ee NISA Yaasiin Farey.

Guddiga ayaa sheegay baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigaas loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Qoraal uu soo saaray goor dhow Guddiga ayuu ku sheegay inuu wax caddeyn ah u waayey in Nabadoon Cali Jeesto laga hor istaagay inuu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo lagu qabtay doorashada kursigaas marka laga reebo sheegashadiisa.

Guddiga ayaa sheegay in Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo.

Guddiga ayaa xusay in Nabadoon Cali Jeesto uu kamid ahaa Odayaashii ka qeybgalay dhismaha Maamulka Galmudug sanadkii 2015, wuxuuna guddiga sheegay inuu shirkaas kaga qeybgalay caaqil ku xigeenka Beesha Waceysle, sida ku cad Documentiyo uu guddiga sheegay inuu helay.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay soo ogaadeen in Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu ka mid ahaa ergadii sanadkii 2016 soo dooratay kursiga HOPP#67, islamarkaana uu liiska ergadaas kaga jiray Nambarka 12-aad.

Guddiga ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay in guddiga doorashada heer Maamul Goboleed uu Maanta wixii laga bilaabo u fasaxan yahay ku dhawaaqista natiijada doorashadii kursiga HOP067.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga kasoo baxay oo dhameystiran;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More