Madaxweynaha Koofurgalbeed oo gaaray magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland.

Laftagareen ayaa markii labaad booqasho ku tegey magaalada Kismaayo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Lafta-Gareen ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho Axmed Madoobe, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka iyada oo sii kordhayo khilaafka doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay si gaar ah uga hadlaan kuraas kamid ah Aqalka Hoose, oo ay u tartamayaan musharixiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasoo Lafta-gareen uu doonayo inuu go’aan ku yeesho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More