Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo doortay guddoomiye cusub

Xubnaha Guddiga Xallinta Khillaafaadka doorashooyinka ee heer Federaal ayaa doortay Guddoomiye cusub, kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii guddigaas Cabdullaahi Abyan Nuur.

Kulan lagu dooranayay gudoomiyaha cusub ee guddigan ayaa waxaa soo xaadirtay 18 xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay 18-cod.

Guddigaan oo ka kooban 18-xubnood ayaa ka shaqeeya xalinta khillaafaadyada ka dhashada doorashooyinka ee her Federaal, waxaana Guddigaan ay ka qeyb galeen doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay dowlad Goboleedyada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More