Guddiyada doorashada Somaliland iyo Galmudug oo wareejiyay xogta xildhibaanada la doortay

Mar 29 (Jowhar.com) –Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Goballada Waqooyi ee Somaliland iyo Maamulka Galmudug ayaa maanta Guddiga hirgalinta dooorashooyinka Heer Fedearal ku wareejiyey xogta iyo galalka illaa 102 isugu jira xildhibaano iyo Senataro la soo doortay.

Guddoomiyaha guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed Maxamed Daahir Guuleed, ayaa xogta iyo galalka Xildhibaannada labada Aqal ee deeggaan doorashadoodu tahay Galmudug oo dhamaystiran ku wareejiyay Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban heer Federaal (FEIT).

45 Xildhibaan ee laga soo doortay Galmudug oo kala ah 37-da kursi ee golaha shacabka iyo 8 kursi oo aqalka sare ayaa diiwaankooda dhamaystiran lagu wareejiyay wakiilka Guddiga Doorashada heer Federaal (FEIT), ee Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan sido kale waxaa wareejinta goob joog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga SEIT Galmudug, FEIT iyo xubno ka socday guddiga Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Dhinaca kale, Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Goballada Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta Guddiga hirgalinta dooorashooyinka Heer Fedearal ku wareejiyey xogta iyo galalka 57-Xildhibaan ee labada Aqal ee Soomaaliland oo lagu doortay magaalada Muqdisho.

Dowlad Goboleedyada Puntlad iyo Koonfur Galbeed ayaa si dhameystiran u wareejiyay dhammaan xogta iyo dukumeentiyada xildhibaanada lagu soo doortay Puntland iyo Koonfur Galbeed, halka Jubbaland ay wareejisay xildhibaanada lagu soo doortay deegaan doorashada koowaad oo kaliya, waxaana ku harsan xogta Xildhibaanada deeggaan doorashada labaad oo aan wali la dooran.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal ayaa 16 March 2022 sheegay in 24 march 2022 ay hubin doonaan dhammaan xogta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa lagu waday in ay soo idlaato 15 march 2022 balse dib u dhac kale ayaa ku yimid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More