Gudoomiyaha golaha shacabka iyo Rooble oo Sucuudiga ugu duulay si ay usoo gutaan acmaasha Xajka.

July 04 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya halkaas oo maalmaha uu ku suganyahay ku soo qaadan doono gudashada acmaasha Xajka.

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha oo ay ugu horeeyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah wasiirada xilgaarsiinta ayaa ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo si uu Allah uga samatabixiyo Abaarahan soo noqnoqday.

Guddoomiyaha oo ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laabta isku furaan si loo helo midnimo iyo wadajir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More