Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabelle ee maanta ka dhacay Jowhar

July 04 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay Kulanka Golaha Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Shirka ayaa looga hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka Caasimada.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa diirada lagu saaray abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle iyadoo dhulka miyiga ah ay kasoo barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay waayeen wax ay cunaan xoolihii ay dhaqanayeena ay abaartu ka baabi’isay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay dhibaatada xoogan kasoo gaartay abaaraha waxa uuna faray Wasaaradda Gargaarka iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha inay hay’addaha ku adkeeyaan sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka ay dhibaataysay abaarta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More