Gudoomiyaha golaha shacabka oo kulan deg deg ah la yeeshay Taliyaha ATMIS

May 09 (Jowhar.com)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa kulan deg deg la yeeshay saraakiisha sare ee ciidanka howlgalka nabad ilaalinta ATMIS oo ay ka mid yihiin Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

Qoraal ka soo baxay goaha shacabka ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay xaqiijinta amniga dooraashada nagu soo foolma leh ee 15-kq bishan ka dhaceysa teenshada Afisyooni.

Guddoomiyaha Golasha Shacabka ayaa ku booriyay inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga doorashada.

Kulankan ayaa ku soo aaday saacado yar kadib markii guddiga ay soo bandhigeen habraaca amniga doorashada, iyagoo ku sheegay in ciidamadda ATMIS ay sugayaan amaanka doorashada.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More