Taliyaha booliska Banaadir Farxaan Qaroole oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

May 09 (Jowhar.com)–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Xooggan oo goordhow duleedka Muqdisho lagula eegtay taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).

Qaraxa oo ahaa Miino waxa uu ka dhacay nawaaxiga Isbaaradii Shabeelle, iyadoo uu khasaare ku kooban dhaawacyo uu soo gaaray afar kamid ah ilaalada taliyaha, wararka waxey intaasi ku sii sarayaan inaan jirin wax khasaare ah oo gaaray Farxaan, maadaama uu isaga saarnaa gaari aan qarax karin, askarta dhawacantayna ay saarnaayeen Cabdi Bilaha ilaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xiliga qaraxa lala eeganayay Qaroole uu ka yimid deegaanka Calamada, halkaasoo uu galabta u aaday xalinta Sarkaal laba xidigle ahaa oo ka tirsan ciidanka Haramcad, kaasoo halkaasi lagu dilay.

Sarkaalka calamada lagu dilay waxaa lagu magacaabi jiray Sadaam C/kariin Sheekh Maxamed, iyadoo geeridiisa ay salka ku heysay muran la xiriira lacago gawaarida wadada isticmaasha kaga qaado oo dhexmaray isaga iyo sarkaal kale, taasoo gacan ka hadalka keentay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More