Gudoomiyaha Guddiga FEIT oo war ka soo saaray kursiga Fahad Yaasiin ee Hop#086.

May 30 (Jowhar.com)- Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf, ayaa beeniyay warar sheegaya inay doonayaan inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP86, kaasoo uu doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasin.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kala diray guddiyada doorashada kadib markii ay soo idlaatay hawshii loo igmaday.

Muuse Geelle oo ahaa guddoomiyaha guddiga lakala diray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabada ra’iisal wasaaraha , wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.

wuxuu sheegay uusan jirin wax shaqo ah oo u harsanaa Guddiga isla markaana Shaqadoodabay ku ekeyd , markii ay dhammaatay doorashadii Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee kursigaas reerka iska leh ay ka tashanayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More