Halkee bay  maraysaa qaadashada Shahaadada Musharaxnimo ee Guddoonka Labada Aqal

April 20 (Jowhar.com) – Xildhibaano badan oo isugu jira kuwo hor iyo kuwa sanadkan ku cusub ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada guddoonka labada aqal.

Balse musharaxiinta qaatay shahaadooyinka ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaashii hore ee labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Musharaxiinta kale ee qaatay shahaadada ee u sharaxan guddomiyaha golaha shacabka waxaa ka mid ah Shariif Maxamed Cabdulaahi,Cabdirashiid Xiddig halka guddoomiyaha Aqalka Sare oo isku soo sharaxay Wasiirka warfaafinta Cismaan Abokor Dubbad.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka 11aad ayaa lagu wadaa inay dhacdo 26ka iyo 27ka bishan April 2022.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More