Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo ka digtey Duufaanta El-Nino

Sep 13 (Jowhar.com)-Guddoomiye hay’adda Qaran ee maareynta musiiboyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee hay’adda SoDMA kaas oo looga hadlay u diyaar garowga xilli roobaadka soo aaddan.

 

Iyo u diyaar garowga ka hor tagga dufaanta El-Nino oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato qaybo ka mid ah goballada dalka xilli roobaadka soo socda.

Guddoomiyha hay’adda SoDMA ayaa kulanka ku magacaabay guddi 6-xubnood ah oo ka shaqeeyn doona ka hortagga, isku xirka hay’adda iyo ka jawaabidda musiibada El-Nino oo la saadaalinayo bilaha soo aaddan ee October iyo November sanadkaan.

Kulanka todobadlaha ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More