Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese Oo Furay Xarunta Qaliimada, Furista iyo Daweeynta WADNAHA.

Sep 13 (Jowhar.com)-Isbitaal Takhasusiga ah ee Somali Sudanese ayaa soo agaasimay Munaasabad Xariga looga jaraayey Adeeg Caafimad oo Isbitaalku soo Kordhiyey, Bulshaduna Baahi weyn u qabeen.

Isbitaalka ayaa soo kordhiyey Qeeyb qaabilsan Qaliimada, Furista, iyo Daweeynta WADANAHA. Sidoo kalana Isbitaalku waxa uu Keenay Qalabkii ugu danbeeyey ee DUNIDA laga isticaalo Oo lagu furo WADNAHA laguna Sameeyey Dalka JARMALKA.

Xafladan Furitaanka Xanunta Cusub ee WADANAHA oo ka dhacday Hotel Jazeera ayaa waxaa kasoo Qeyb galay Qeeybaha kala Duwan ee Bulshada, Masuuliyiin ka kala socday

Dowlada,Culimada, Isbitaalada Dowlada, Isbitaalada Gaarka loo leeyahay, Bahda Waxbarashada, Ururada Caafimadka, Ganacsatada iyo dhamaan Qeeybaha Bulshada oo ayaa Bogaadiyey Qalabkan iyo adeegan Caafimaad ee Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese soo kordhiyey, Iyagoo sheegay in bulshadu baahi weyn u qabtay Addeegan loogana maarmi doono aadistii Dalka Dibadiisa aheyd taas oo Waqti badan iyo Qarash badan Bulshada uga bixi jirtay.

Sidoo kale Dhaqtarka Qabanaya Hoowshan ayaa ah Dhaqtar kasoo Shaqeeyey Wadamada kala duwan sida, Ireland, UK, Germany, Sudan iyo Wadama kale DHaqtarka ayaa Daaweynta WADNAHA ka heeysta Shahaadada ugu sareeysa Caafimaadka Wadnaha.

Isbitaalka oo looga bartay Adeeg Caafimaad oo Tayadiisu sareeyso, 4tii Sano ee ugu danbeeysana Noqday Isbitaalka ugu fiican ee gaar loo leeeyahay ayaa Sanadihii lasoo dhaafay looga bartay soo kordhinta Adeegyo iyo Qalab Caafimad oo Dalka Dibadiisa loo aadi jiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More