Hirshabelle oo sahmineysa deegaano laga dhisayo dekeado.

Jan. 02 (Jowhar.com)-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Maxamed Axmed oo bogaadiyey dhammeystirka xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Wasaaraddu ay bilowday qorshaha sahminta dekado ay yeelato Hirshabeelle.

Wasiir Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaannada ay horey ugu dhuumaaleysanayeen Shabaan ay ku jiraan goobo badan oo laga hirgelin karo dekedo ganacsi oo qeyb ka noqdo ganacsiga iyo horumarka deegaanka, sidoo kale dekedo kalluumaysi oo kalluunka laga dhoofiyo, maadama aysan dalka ka jirin.

“Qiimeynta hor-dhaca ah ee ay waddo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Hirshabeelle waxaa ka soo baxday in deegannada la xoreeyey ay qaarkood ku habboon yihiin in laga dhiso dekekdo, kuwaas oo ay ka jirto fursado maagashiga, door weynna ka qaadan doona ganacsiga Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Maxamed Axmed ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo ganacsatada Hirshabeelle in ay qeyb ka noqdaan qorshahan isku-tashiga ah ee dhawaan la soo bandhigi doono, isagoo xusay in Hirshabeelle ay maanta u gudubtay marxaladdii ka danbeysay dhammaadka Alshabaab, taas oo ah horumar iyo wax-wada qabsi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More