Madaxweyne Xasan Sheekh oo amar dul dhigay ciidamadda laga keenay Eritrea.

Jan. 02 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeer ku tagay Xerada Jen. Goordan oo ay ku jiraan Ciidanka cusub ee Tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea.

Ciidankan ayaa maalmihii la soo dhaafay diyaarado looga soo dabulayay dalka Eritrea oo muddo saddex sano iyo bar tababar ugu maqnaayeen.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran, gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga.

Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro”.ayuu yiri madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More