Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Oct 06 (Jowhar.com)-Hoggaamiyaha SSC Khaatumo iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhow lagu soo dhaweeyay magaalada caasinadda ah ee Muqdisho.

C/qaadir Firdhiye oo duhurnimadii maanta kasoo duulay magaalada Laascaanood waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wafdi isugu jira xildhibaano labada aqal ah, wasiiro, saraakiil ciidan iyo qeybaha kale ee bulshada.

Xubnaha soo dhaweeyay waxaa hormuud u ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, waxaana intaasi kadib loo galbiyay halka loo diyaariyay wafdigan.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo magaalada Muqdusho ku yimid casuumaada ra’iisul wasaaraha dalka ayaa kulama kala duwan la qaadan doona madaxda sare ee dowladda oo uu ugu horeeyo ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Baree.

Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa Beesha Caalamka gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.

Waxa uu kala hadli doonaa Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo isla markaana wuxuu ka dalban doonaa Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More