Haweeney u dooda xuquuqda haweenka oo ku guuleysatay Abaalmarinta Nobel 2023

Oct 06 (Jowhar.com)-Narges Mohammadi, oo ku jirta xabsi una dhalatay dalka Iran ayaa ku guuleysatay abaalmarinta nabada ee Noble Peace 2023.

Guddiga Nobel-ka Norway oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in Ms Mohammadi, oo 51-jir ah, lagu sharfay la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Iran.

Guddoomiyaha guddiga Berit Reiss-Andersen ayaa sheegtay in Ms Mohammadi ay hadda ku xirnaaneyso xabsi dhan 31 sano oo xarig ah oo Iran ah oo la xiriira dhowr dambi oo lagu helay.

Xaflad ka dhacday magaalada Oslo, Ms Reiss-Andersen ayaa sheegtay in abaal marinta qaaliga ah la siiyay Ms Mohammadi “la dagaalanka ay kula jirto dulmiga haweenka Iran iyo dagaalka ay u gashay horumarinta xuquuqul insaanka iyo xoriyada dadka oo dhan”.

Ms Reiss-Andersen waxa ay sidoo kale ku boorisay Iran in ay xabsiga ka sii deyso Ms Mohammadi si ay uga qaybgasho xafladda abaal-marinta bisha December.

Malaayiin Iiraaniyiin ah ayaa abaal-marintan ku farxi doona iyadoo ay weheliyaan dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee adduunka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More