Hormuud Salaam Foundation oo Deeq raashin gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti ee magaalada Muqdisho

Mar. 28 (Jowhar.com)-Isbitaalkan ayaa waxaa lagu daryeelaa dadka dhimirka la’ waxaana hay’adda samafal ee Hormuud salaam foundation oo dardargelinaysa mashruuca taakuleynta iyo afurinta dadka masaakiinta ah waxa isbitaalka gaarsiisay raashiin isugu jira bur, bariis, sonkor, saliid iyo timir.

Gudoomiye Ku xiggeenka Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda wareejinta deeqda ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay wax u qabashada dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ee HSF ay fulineyso bishan barakeysan ee Ramadan.

Ku simaha Agaasinka guud ee Isbitaalka Laansareeti, Dr Yuusuf Cabdi Samoow ayaa kaga mahadcelisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation gargaarka ay soo gaarsiisay isbitaalka, iyadoo sheegtay inaysan ehayn markii ugu horeysay ee mar walba oo la gaaro bisha Ramadan ay il gaar ah ku fiiriso dadka kuwooda ugu nugul.

Dhanka kale Hormuud Salaam Foundation ayaa isla maanta deeq isugu jirta lacag iyo timir waxa ay gaarsiisay illaa laba boqol oo haween, oo ka mid ah dadka danyarta ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Raaxo Xusen Xirsi oo ah Ku xigeen Hormuud Salam Foundation ayaa ka hadashay goobta haweenkaasi loogu guddoonsiiyay deeqda lacagta iyo weliba timirta, waxayna sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in haweenka danyarta ay kaalmo u noqoto, inta lagu guda jiro bisha Ramadan.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Warsan Xasan Xagar oo halkaasi ka hadashay ayaa Hormuud Salaam Foundation ku ammaantay mid mar walba u taagan caawinta haweenta danta yarta ee aan waxba haysan.

Hormuud Salaam Foundation ayaa dardargelinaysa caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, iyadoo hay’addu marka la gaaro bisha barakeysanee Ramadan, ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah, waana xilli ay hay’addu waddo barmaamij kaasi ku lamaanan oo dadka danyarta ahi lagu afursiiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More