Sanbaloolshe oo dhaliilay hanaanka loo wajahayo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab

Mar. 28 (Jowhar.com)-Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda, isagoo cabasho ka ah in la bedelay istiraatiijiyadii dagaalka lagu wajahayo kooxda Al-Shabaab.

Mr. Sanbaloolshe ayaa quus ka muujiyay in lagu guuleysto wajiga labaad ee dagaalka Shabaab, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in la isaga tagay kaalintii dadka deegaanka oo sabab u ahaa guusha laga gaaray wajigii koowaad ee dagaalka oo Shabaab laga xureeyay ilaa 70 meelood oo degmooyin iyo deegaano isuugu jira.

“Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hogaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe oo VOA u waramay.

Waxa uu tilmaamay in dowladda ay go’aan ku gaartay in wajiga labaad ee dagaalka lagu koobo oo kaliya ciidanka dowladda, wuxuuna xildhibaanka shaki galiyay in dowladda daacad ka tahay dagaalka ku foorara kooxda Al-Shabaab.

“Waa muhiim doorka dadka, askarta keligood ma guuleysan karaan, dadkana kaligood ma guuleysan karaan ee waxaa soo baxay marka la wada socdo ayaa la guuleysanaya. Meesha waxaa timid wax la dhaho isla-jaan qaad oo dadweynihii deegaanka, beeshii caalamka iyo ciidankii dowladda ayaa isla jaan-qaaday oo haddii mid maqan tahay inta kale ma guuleysan karto.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dareensan saameynta xun ee ka dhalan karta in la hubeeyo beelaha oo ay dagaalka hormuud u noqdaan, iyadoo taasi sharaf dil u ah ciidanka dowladda oo lagu qiyaaso iney gaarayaan 30,000 askari, iyadoo markan isku dayeysa iney ciidanka kaligood Shabaab fogeeyaan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More