Howlgalka ATMIS oo hub ku wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka

May 03 (Jowhar.com) –Ciidanka howl-galka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay maleeshiyada Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hubkan oo isugu jira dheshiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan ayaa waxaa kasoo furtay Al-shabaab cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo howl-gallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose.

Marwo, Fiona Lortan, oo ah taliye ku xigeenka ATMIS ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo howl-galka midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga furto Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Jeneraal: Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejisay SNA, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidanka xoogga dalka.

Hase yeeshee hubkan la sheegay in laga soo furtay Alshabaab ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli Alshabaab ay hub faro badan saaka waaberigii ka qabsadeen ciidamada ATMIS ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More