In ka badan 100 qof oo lagu dilay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

June 20 (Jowhar.com)- Inka badan 100 ruux oo u badan qowmiyadda Axmaarada ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dilka dadkan ayaa lagu eedeeyay ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) iyadoo lagu tilmaamay dilkan inuu yahaymid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhacay dalka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, laba goob jooge oo kale ayaa sheegay in in ka badan 200 oo qof la dilay,waxaana sidoo kale xaqiijiyayMaamulka gobolka Oromiya.

“Waxaan tiriyay 230 mayd. Waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka mid ah dadka deggan kowntiga Gimbi isagoo la hadlayays wakaaladda wararka ee Associated Press.

“Waxaan ku aasaynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka. Cutubyo ka tirsan ciidamada federaalka ayaa hadda yimid, laakiin waxaan ka baqaynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Goob-jooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, ayaa sheegay in shacabka Axmaarada ah ay hadda si aad ah u doonayaan in loo raro meel kale ka hor intaysan dhicin dil kale oo baahsan.

“Wuxuu sheegay in qowmiyadda Axmaarada oo lagu dejiyay deegaanka 30 sano ka hor barnaamijyada dib u dejinta ayaa hadda loo laaynayaa sida digaagga”.ayuu sii raaciyay.

“Waxaan maqlayaa ilaa 300 oo meyd ah oo ilaa hadda la soo saaray. Laakin ururinta maydadka kamay bilaaban laba tuulo si ay aad uga badan karto.”

Mar sii horreysay, ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa cambaareeyay wax uu ku tilmaamay falalka argagaxa leh ee ka dhacay Oromada, isagoo aan faahfaahin ka bixin.

“Weerarada lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta hab-nololeedyada ee ay geystaan ​​xoogag aan sharci ahayn iyo kuwa aan caadi ahayn waa wax aan la aqbali karin,” ayuu ku yiri Twitter-ka.

Markhaatiyaasha iyo sidoo kale maamulka gobolka Oromia ayaa ku eedeeyay kooxda OLA inay ka danbeeyeen weerarada.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda gobolka ayaa lagu sheegay in fallaagada ay soo weerareen ka dib markii ay u adkeysan waayeen howlgallada ay bilaabeen ciidamada ammaanka ee federaalka.

Afhayeenka OLA Odaa Tarbii ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo bartiisa twitter-ka ku sheegay in xukuumadda Abiy ay mar kale ku eedeysay OLA dambiyo ay iyadu gashay.

“Weerarka aad sheegayso waxaa geystey militariga taliska iyo malleeshiyada maxalliga ah markii ay ka soo gurteen xeradii ay ku lahaayeen Gimbi ka dib weerarradii dhowaanahan,” ayuu ku yiri farriin uu u diray AP.

“Waxay u baxsadeen deegaan lagu magacaabo Tole, halkaas oo ay ku weerareen dadweynihii deegaanka, hantidoodiina ay ku burburiyeen, iyagoo ka aargoosanaya dareenkii ay u arkayeen in ay taageersan yihiin OLA. Dagaalyahannadayada xitaa ma aysan gaarin goobtaas markii ay weerarradu dhacayeen,” ayuu raaciyay.

Itoobiya ayaa dhowr gobol waxaa ka jira xurguf baahsan oo qowmiyadeed, kuwaas oo u badan cabashooyin taariikhi ah iyo xiisado siyaasadeed.

Qowmiyadda Axmaarada, oo ah qowmiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya in ka badan 110 milyan oo qof, ayaa si joogta ah loogu bartilmaameedsaday gobollada sida Oromia.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo colaadda qowmiyadeed ay halis ugu jirto inuu kala go’o dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Dagaalada ka qarxay 2020 ee waqooyiga gobolka Tigray ayaa ku faafay gobolada dariska ah ee Canfarta iyo Axmaarada sanadkii hore.

Kumanaan kun oo qof ayaa lagu dilay, dhowr milyan oo kalena waa laga barakiciyay guryahoodii, taas oo ka dhalatay dagaalka u dhexeeya ciidamada daacadda u ah Abiy iyo kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo xulafadooda.

Rabshadaha ayaa yaraaday tan iyo markii dowladda federaalka ay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii Maarso.

Xigasho;Aljazeera

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More