Inkabadan 4 Kun Xujey Somaliland ah oo sanadan ka baaqatay Waajibaadka Xajka.

June 28 (Jowhar.com)-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtey in afar Kun oo qof oo Xujay Somaliland ah ay sanadkan ka baaqdeen gudashada Acmaasha Xajka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa mas’uuliyada arintaasi dusha uga riday dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyay iney musuqday saamigii Somaliland.

“ Sanadkan shacabka Somaliland way ka baaqdeen gudashada Xajka, kadib Markii dowladda Somalia musuqday saamigii Somaliland.” ayii yiri wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa si adag uga hortimid tirada ay dowladda federaalka u qorsheysay inay kasoo xajiyaan deegaanadeeda, taasi oo dhan 350.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More