Inkabadan Shan Malyan oo ruux oo ka qaxday dagaalka Ukraine

May 02 (Jowhar.com) –Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in dad kabadan shan milyan oo Yukreeniyaan ah lagu qasbay inay dalkooda ka qaxaan wax ka yar laba bilood tan iyo markii Ruushku galay duulaanka, taasoo abuurtay dhibaato qaxooti oo aan hore loo arag.


Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa Arbacadii sheegtay in 5.01 milyan oo qof oo reer Ukraine ah ay ka baxeen dalkaasi tan iyo markii uu Ruushka galay duulaanka 24-kii February.

“Tirada shanta milyan ah waa arrin la yaab leh oo ka dhacday qalalaasaha qaxootiga Yurub ee ugu weyn tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyadoo weerarku uu sii xoogeysanayo gobolka Donbas ee bari.”ayay tiri UNHCR.

Saddex toddobaad uun ka hor, markii ay tiradu gaartay afar milyan, UNHCR waxay sheegtay inay dhaaftay saadaasha kii ugu xumaa.

“In ka yar laba bilood gudahood… waxaan aragnay qiyaastii rubuc ka mid ah dadka reer Ukraine, in ka badan 12 milyan oo qof guud ahaan, oo ay ku jiraan shan milyan oo qaxooti ah, laakiin sidoo kale 7.1 milyan oo gudaha dalka ah, ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda, marka tani waa tiro dad ah,” afhayeenka UNHCR ee Geneva, Shabia Mantoo, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Iyagoo u qaxay dalalka deriska ah, waxay kala kulmaan soo dhawayn iyo dhiirigelin inay sii wataan noloshooda, Kala bar qaxootiga ka imaanaya Ukraine waa caruur, sida ay sheegtay UNHCR.
Poland, oo ay yimaadeen in ka badan 2.8 milyan oo Yukreeniyaan ah, waxaa la siiyaa nambarada aqoonsiga Polish.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More