Daawo sida looga ciiday maanta Deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho

May 02 (Jowhar.com) –Kumanaan dadweyna ah oo isugu jira caruur iyo ciroole ayaa saaka waabarigii ku kalahay deegaanka dalxiiska ee Daaru salaam kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo dadka dagan deegaan ayaa isugu tagay masalaha weyn ee loo diyaariyay inay ku oogaan salaada ciidul fidriga islamarkaana ay ku dalxiisaan beerta ugu weyn muqfisho ee daaru salaam.

Markii ay soo idlaatay salaadii ciida ayaa dad aad ufara badan waxa ay u jiheesteen beerta dalxiiska ee Daarusalaam oo lagu diyaariyay dhamaan agabka lagu ciyaarsiiyo caruurta iyo goobo dalxiisayaasha indhahooda soo jiidasho u leh.

Deegaanka Daarusalaam ayaa ah deegaanka ugu bilicda wanaagsan degmooyinka Caasimadda Muqdisho, iyadoo sanadihii ugu dambeeyayna ay aad u dhismeysay.

Maamulka Beerta Daarusalaam ayaa sanadkaan kusoo kordhiyay agabyo kala duwan kuwaasoo loogu tala galay inay dadka ku damaashaadaan.

Dadweynaha reer Muqdisho ayaa kuu sheegaya in ubadkooda ay farxadda ciidda dareemaan, marka ay waqti ku qaadanayaan Beerta Daarusalaam.

Ciidul Fitriga oo ah Ciidda Kowbaad ee Labada Ciidood ee Islaamka uu leeyahay ayaa si weyn looga dabaaldeggaa dunida, gaar ahaan wadamada Islaamka, Somaliyana waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay dadkoodu muujiyaan/weyneeyaan farxadda maalmahaasi.

Ummadda Muslimiinta ayaa isugu hambalyeeya Munaasabadaha Ciidaha, iyadoona ay dadku isu rajeeyaan in sanadka kan xiggaa uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, cibaado suuban iyo nabad & caano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More