Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Yemen oo ku dhawaaqay xabbad joojin bisha Ramadaan

Mar 30 (Jowhar.com) – Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay gelinkii dambe ee Talaadadii in ay joojinayaan howlgallada militari laga bilaabo Arbacada, kadib baaqii Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ee Muslimiinta.

Qaramada Midoobay ayaa la shaqaynaysay xulafada milatariga ee Sucuudigu hogaaminayo iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo dagaal ku jiray ilaa 2015-kii, si loo helo heshiis nabadeed iyo in la yareeyo dhibaatada bini’aadantinimo ee xun ee ka jirta dalka saboolka ah.

Xabbad-joojintu waa tillaabadii ugu muhiimsanayd ee dadaallada nabadeed muddo saddex sano ka badan iyadoo beesha caalamku ay la daalaadhacaysay sidii loo soo afjari lahaa colaad toddobo sano ah oo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiin kalena ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macaluul.

 

“Taliska ciidamada wadajirka ah ee isbaheysiga ayaa ku dhawaaqaya joojinta howlgallada milatari ee gudaha Yemen laga bilaabo Arbacada 6-da subaxnimo,” wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay afhayeenka isbaheysiga Brigadier General Turki al-Malki.

Go’aanka ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Yemen iyo in la gaaro xal siyaasadeed oo dhameystiran, ayay tiri SPA.

Soo jeedinta Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaysa xabbad-joojin ku-meel-gaar ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, taas oo lagu beddelayo in loo oggolaado in maraakiibta shidaalka ay ku soo xirtaan dekedda Xudeydah ee ay Xuuthiyiinta haystaan ​​iyo tiro yar oo duulimaadyo ganacsi ah si ay uga duulaan garoonka Sanca, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah. Ramadaanku wuxuu bilaabmayaa usbuucan.

 

Ilaa 27-kii Maarso, afar markab oo shidaal ah ayaa ku sugayay dekedda Xudeydah, oo uu ku jiro booyad ku xayiran aagga lagu hayo isbaheysiga ku dhawaad ​​saddex bilood, xogta Qaramada Midoobay ayaa muujisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More