Mas’uul ka tirsan Maamulka Wanlaweyn oo ka badbaaday qarax miino

Mar 30 (Jowhar.com) –Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda maamulka degmada Wanlaweyn Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Gaduudow) ayaa ka badbaaday qarax miino oo lala eegtay xilli uu ku sugnaa gurigiisa.

Qaraxa miino ayaa ahaa mid ku aasnaa banaanka hore ee gurigiisa Guddoomiye ku-xigeenka ee Degmada wanlaweyn, waxaana ku dhintey wiil uu dhalay guddoomiye ku xigeenka halka uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Hase yeeshee waxaa jirey warar soo baxayay oo sheegayay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn hase yeeshee gudoomiye ku xigeenka ayaa beeniyay in uu ku dhaawacmay qaraxan.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxan hase yeeshee waxaa hore sidan oo kale ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose qaraxyo miino oo lala beegsaday mas’uuliyiinta maamulkaas iyadoo qaraxyadaasna ay sheegteen ururka Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More