Jabuuti oo ka soo horjeesatay in weerar loogaga qaado dalkeeda wadanka Ethiopia

Dowlada Jabuuti ayaa ka soo horjeesatay in dhulkeeda duulaan loogaga qaaday dalka Itoobiya oo ay ku dagaalamayaan dowlada Itoobiya iyo jabhada TPLF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in dalkiisa aanu oggolaan doonin in loo adeegsado dagaalka ka soconaya wadanka Itoobiya.

“Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey in dhulka Jabuuti loo adeegsanayo farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Tani ma dhici doonto sababtoo ah dowladda Jabuuti waxaa ka go’an xiriirka ay la leedahay deriskeeda.”ayuu yiri.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Jeneral ka tirsan ciidamada Mareykanka uu wareysii uu siiyey BBC-da walaac uga muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, islamarkaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Jabuuti ay qadarineyso iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Mareykanka, ayna hubanti tahay in iskaashigan aanu aheyn mid ka dhan dal kasta oo ay noqoto.

Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa inta badan loo adeegsadaa in laga qaado weerarada iyo howlgallada ka dhanka argagixisada, oo laga fuliyo meelo ay ka mid tahay Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More