Joe Biden “Muwaadiniinta Maraykanka waa inay si dhaqso ah uga baxaan Ukraine”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Ukraine in ay si deg-deg ah uga baxaan dalkaasi, isagoo sabab uga dhigay hanjabaado dheeraad ah oo ku wajahan dhaq dhaqaaqa militari ee Ruushka.

Mr Biden waxa uu sheegay in aanu ciidan u diri doonin si ay u badbaadiyaan dadka Maraykanka ah haddii Moscow ay soo weerarto Ukraine.

Ruushka ayaa si isdaba joog ah u beeniyay inuu jiro qorshe uu ku doonayo inuu ku galo Ukraine inkastoo in ka badan 100,000 oo askari ay ku uruuriyeen xadka.

Balse waxa ay hadda bilowday dhoolatus ciidan oo baaxad leh oo ay la samaynayso dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, Ukraine waxa ay ku eedaysay Ruushka in uu ka xannibay marinka badda.

Kremlin-ka ayaa sheegtay in ay doonayso in ay dhaqangeliso “khadka cas” si loo hubiyo in deriskeedii hore ee Soofiyeedka uusan ku biirin Nato.

“Muwaadiniinta Mareykanka waa inay hadda baxaan,” Mr Biden ayaa u sheegay NBC News.

“Waxaan la tacaaleynaa mid ka mid ah ciidamada ugu weyn adduunka, waa xaalad aad u kala duwan, arrimuhuna si degdeg ah ayay u waalan karaan.”

Mr Biden oo la waydiiyay in ay jirto xaalad soo dadajin karta in uu ciidamo u diro si ay u badbaadiyaan dadka Maraykanka ah ee ka soo cararaya, Mr Biden waxa uu ku jawaabay: “Ma jiro. Taasi waa dagaal caalami ah marka ay Maraykanka iyo Ruushka bilaabaan in ay is rasaaseeyaan. Waxa aanu joognaa adduun aad uga duwan sidii aan ahaan jirnay.”

Xiisadda hadda taagan ayaa timid siddeed sano kaddib markii Ruushku uu qabsaday jasiiradda Crimea ee koonfurta Ukraine. Wixii markaas ka dambeeyay, ciidamada Ukraine waxa ay ku xirnaayeen dagaal ay kula jiraan fallaagada uu Ruushka taageero ee ku sugan deegaannada bari ee u dhow xudduudaha Ruushka.

Dhanka kale, Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inuu xannibay marinka badda, xilli Ruushka uu isu diyaarinayo dhoolatuska ciidamada badda.

Dhoolatuskan ay sameeyeen ciidamada badda ee dhanka koonfureed ee dalka Ukraine ayaa waxaa dheer 10-ka maalmood ee dhoolatuska milateri ee uu haatan ka socdo dalka Belarus ee waqooyiga dalkaasi Ukraine.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in haddii Ruushku isku dayo inuu gudaha u galo Ukraine, dhoolatuskan ayaa keenaya in ciidamada Ruushka ay ku dhowaadaan caasimadda Ukraine ee Kyiv, taasoo fududaynaysa weerar ka dhan ah magaalada. Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay dib ugu laaban doonaan xeryahooda joogtada ah marka uu dhamaado dhoolatuska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More