Turkiga oo cambaareeyay weeraro dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Soomaaliya

Turkiga ayaa cambaareeyay weerarradii ugu dambeeyay ee argagaxiso ee ka dhacay Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof, in ka badan 25 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Turkiga ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.

“Waxaan aad uga xunnahay inaan helnay warka sheegaya in ugu yaraan 11 qof ay ku naf waayeen in ka badan 25 kalena ay ku dhaawacmeen saddex qarax oo 9-kii iyo 10-kii bishan February ka dhacay magaalooyinka Baraawe, Boosaaso iyo Muqdisho ee Soomaaliya,”

Wasaaraddu waxay tacsi u dirtay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdeeda, iyadoo dadkii ku dhaawacmayna ay caafimaad u rajeysay.

“Turkigu wuxuu sii wadi doonaa garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayay raacisay.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida laga soo xigtay ilo caafimaad.

Weerarka ayaa ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya oo ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, iyagoo sheegay in ay la eegteen afar baabuur oo ay la socdeen ergada dooranaysa xildhibaanada Golaha Shacabka.
Arbacadii, kooxda Alshabaab waxay madaafiic ku garaacday magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo beegsaday xarunta kaliya ee doorashada magaalada, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More