Kenya iyo Shabaab oo warar kala duwan ka soo saaray weerar ka dhacay Gaarisa.

Dec. 06 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaare dhaliyay oo dabley ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka geysatay deegaan hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sida wararku sheegayaan, Dagaalyahanada kooxdan Shabaab ayaa qoriga loo yaqaano Zabanka ku dhuftay gaari ay wateen ciidamadda Kenya oo xiligaasi marayay inta u dhaxeeysa deegaanada Weelmareer iyo Yunbis.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaariga ay ciidamadda wateen uu dhinac ka burburay, waxaana jira khasaare gaaray ciidamadda Kenya, inkastoo aan la ogeyn xadiga khasaaraha.

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa ku faantay iney khasaare lixaad leh gaarsiisay ciidamadda dalkaasi, Saraakiil u hadashay Kenya ayaa iyaguna dhankooda beenisay warkaasi waxeyna sheegeen iney fashiliyeen weerarkan.

Dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ayaa inta badan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi Bari ka geysta weeraro gaadmo ah, mid toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadaan ciidamada dalka Kenya oo haatan ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.Kenya iyo Shabaab oo warar kala duwan ka soo saaray weerar ka dhacay Gaarisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More