Kenya oo soo saartay qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Kenya ayaa 14 maalmood u qabatay ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR si ay ula timaaddo qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, sida lagu shaaciyay qoraal la soo dhigay barta Facebook ee wasaaradda arrimaha gudaha.

Kenya waxay sidoo kale sheegtay in qorshaha xiritaanka xeryahan aanan wax wadahadal oo kale laga yeelan doonin.

Wararka kale ee ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo lala eegtay bas marayay meel u dhexeysa magaalada Mandheera iyo degmada Lafey, waxaana qaraxa ku dhawaacmay ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen booliska.

Baska rakaabka ah ayaa waxaa saarnaa 15 qof xilli miinada ay la qaraxday abbaare lixdii subaxnimo.

Baraasabka Mandera Cali Ibraahim Rooba ayaa sheegay inay jiraan dad dhaawacyo culus uu soo gaaray isla markaana ku amray in loo duuliyo magaalada Nairobi si halkaas loogu soo daweeyo.

Waxaan deegaankan horey uga dhacay weeraro dhowr ah oo looga shakisanaa inay geysteen ururka Al Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More