Khasaaraha nafeed iyo midka Hantiyadeed ee dagaalkii Boosaaso oo la soo bandhigay.

April 20 (Jowhar.com) -Guddigii xaqiiqo raadinta ee dagaalkii magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada Puntland & kuwa PSF ayaa soo bandhigay macluumaad la xiriirta khasaaraha guud ee uu sababay dagaalkaasi, xogta ay soo bandhigeen waxa ay ka eegeen dhinacyada dhimashada, dhaawaca iyo khasaaraha maaliyadeed ee uu dagaalka sababay.

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood oo u badan Isimada Puntland ayaa xogta ay baahiyeen oo ay la wadaageen warbaahinta waxa ay ku sheegeen in dagaalkii dhacay dhamaadka sanadkii hore ee 2021 uu sababay iney dhintaan 22 Ruux 86 kalena ay ku dhaaeacmeen, kuwaas oo isugu jira rag iyo dumar sidoo kale ku khasaartay lacag lagu qiyaasay $807,500 doollar.

Guddiga oo dhawaan la kulmay madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Siciid Deni oo haatan Muqdisho ku sugan looga baahan yahay inuu bixiyo lacagta khasaarahaas maaliyadeed, maadaama uu isaga horr ugu balanqaaday arintaas.

Puntland ayaa laga war sugayaa falcelinta warbixinta guddiga oo lasoo saaray, xilli Saciid Deni uu haatan ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololihiisa doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Dagaalka Boosaaso oo dhowr maalin socday ayaa ka dhashay xil ka qaadis uu Deni ku sameeyay taliyihii ciisanka PSF Macamuud Cismaan Diyaano, iyadoo Ina Diyaano uu iska diiday xil ka qaadista, waxeyna dood adag oo arintaasi ka dhalatay ay keentay inuu gacan ka hadal isu bedelo, waxaana dagaalkii xarunta gobolla Bari looga adkaaday kooxdii taabacsaneyd madaxweynaha Puntland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More