Madaxweynaha Somaliland oo lagu eedeeyay inuu abaabul dagaal wado.

April 20 (Jowhar.com) -Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa digniin adag ka soo saaray dagaal sokeeye oo ka qarxa magaalada Hargeysa, taasoo salka ku heysa dib u dhac ku yimaada doorashada oo ay wado xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Injineer Waraabe oo warbaahinta la hadlay ayaa muujiyay walaaciisa ku aadan iney waayaan cid u kala dabqaada reer Somaliland hadii ay xabad ka bilaabato, isagoo hoggaanka talada haya ugu baaqay in xalka mushkiladaha taagan loo daayo indheer garadka bulshada.

“Xalkeenu ma aha in aan beelo u kala baxno, haddii aad dhahdaan reer hebel ayaa sidaas sameynaya waa la fahmi karaa waxa ka dhalan kara, Dadka la xirayo ee xabsiyada laga buuxinayo waa qayb kamid ah keli-talisnimada, Somaliland maanta waxa ay taagan tahay meel halis ah, Maanta haddii aan is qabano ma jirto cid na kala qabaneyso sida qolyaha Xamar oo kale” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ayaa dninaca kale sheegay in xaaladda haatan ay mareyso in xabsiga laga buuxiyo dhalinyaradii haldoorma u ahaa bulshada, wuxuuna dadka u bidhaamiyay inaan wax wanaag ah laga filan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Muuse Talo haka suginana ee aan tashano oo Wanaag haka filina reer Somaliland, Dhibaatadu dadka way wada heysaa, Dadkii oo dhan way heysataa Dowlad xumaanta, waataa Dhalinyaradeena gabyeesa, waa innaga reer-reer u kala baxnay, waa innaga is caayeena, hala ka badbaado ayaan leeyahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal Cali Waraabe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More