Khasaaraha qaraxyadii Maxaas oo korodhay iyo xogta bartilmaameedka.

Jan. 04 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, tira kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan halkaas.

Mid ka mid ah qaraxyadan ayaa lala eegtay guriga uu Maxaas ka degan yahay xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ahaa xildhibaanada Golha Shacabka, waloow annu xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay qaraxan, halka kan kalena uu ka dhacay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in weeraradan ay ahaayeen kuwa ‘aragagixiso’, isaga oo intaas ku daray in hay’adaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan.

Dadja weerarkan ku dhintay waxaa u badan askar iyo saraakiil ku sugnaa goobaha la beegsaday, waxaa sidoo kale jira shacab iyana waxyeelo kala duwan qaraxyadan ka soo gaartay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse ma shaacin inta uu la’egyaha

Maxaas ayaa ka mid aheyd degmooyinkii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay bilhii lasoo dhaafay ka saaren maleeshiyada Al-shabaab, iyadoo 19-kii Novermber uu sidoo kale booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xiligaasi ballanqaaday in Maxaas ay noqon doonto meelaha ugu horeya ee mashaaricda hormarinta laga hirgaliyo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More