Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray magaalada Maxaas.

Jan. 04 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroortii hore ee saaka qaraxyo Ismiidaamin ahaa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamadda dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka ee Macwuusleyda.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay iney ahaayeen kuwo si aad ah u culus, iyagoo dhaliyay khasaare lixaad leh oo dhimashl iyo dhaawacba isugu jira, walow aan la ogaan wali tirada saxda ah ee dadka wax ku noqday.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gawaarida qaraxyada loo adeegsaday oo Surf ahaa ay ka yimaadeen dhinaca degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud, iyagoo si gaar ah ay u beegsadeen fariisimihii ciidamadda.

Goobjoogayaasha waxey sidoo kale sheegeen in qaraxyadan lala beegsaday maqaaxi lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi.

Sawirran laga soo qaaday goobaha la bartilmaameedsaday ayaa muujinaya bur bur xooggan oo qaraxyada ay sababeen, waxaana dhismayaasha qaar ay noqdeen kuwo si aad ah u bur bursan oo aad moodo in meel banaan ay eheyd goobta.

Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarka ayaa ku faantay iney ku dishay Kontomeeyo ka tirsan ciidamadda dowladda iyo Macwuusleyda, iyadoo kooxdan ay hore qaraxyo uga fulisay degmooyinka kale ee gobolka sida Jalalaqsi, Buula-burde iyo Bekedweyn.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More