kooxo hubeysan oo saaka weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka geysatay Muqdisho

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

Feb. 27 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo koox hubeysa saaka ay ka geysatay Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Ragga weerarka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa goobta dil ugu geysatay laba ruux, halka ay dhaawaceen laba kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ahaa rag ka ganacsan jiray Maandooriyaha.

Ciidamadda amaanka oo falkan kadib tagay halka weerarka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal kooban, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta kusoo dhigaan dambiilayaashii toogashadaasi ka danbeeyay.

Waa weerarkii labaad oo Muqdisho ka dhaca 30 saacadood gudeheed, weerarkan midkii ka horeeyay oo ay Shabaab sheegatay waxa uu ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxaana lagu dilay nin Shabaab ay ku sheegeen inuu ahaa ninka ugu weyn ragga ka ganacsada Daroogada.

Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriyo, iyadoo weerarkii u danbeeyayna wali kooxdaasi aysan wax war ah ka soo saarin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More