Ciidamadda SSC oo weerar culus ku qaaday saldhig ay dageen ciidanka Somaliland ee laga qabsadayTukaraq

Feb. 27 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo deeegaanka Diyaarada oo magaalada Laascaanood u jirta 20 km dhanka bariga.

Sida wararku sheegayaan, deegaankan waxaa saldhig ka sameystay ciidanka Somaliland ee isaga soo baxay difaacyadii Tukaraq, iyadoo ay isku dayayaan sidii ay dib gacantooda ugu soo celin lahaayeen deegaanadii todobaadkan ay ka qabsadeen ciidanka deegaanka.

Dagaalka socda oo la isu adeegsanayo hubka moocyadiisa kala duwan waxaa dhanka Somaliland hoggaaminaya taliyaha maamulkaasi ugu magacaaban gobolka Sool Mahad Canbaashe, waxaana mararka qaar la maqlayaa qaraxyo culus.

Mahad Canbaasha ayaa dhawaan lumiyay taliskiisii ugu weynaa oo ay qabsadeen ciidanka deegaanka, waxaa sidoo kale laga furtay gaadiid dagaal oo culus iyo hub fara badan, isagoo canaan ku aadan jabkaasi gaaray kala kulmay saraakiisha ciidamadda ee Somaliland.

Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 200 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 600 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah, waxaana xili kasta la filan karaa inuu khasaaraha sii kordho, maadaama dagaalka wali socdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More