Kudhowaad Kun ruux oo ku dhintay dhul gariirka Moroco  iyo Turkiga balanqaad u sameeyay

Residents take shelter ouside at a square following an earthquake in Marrakesh on September 9, 2023. - Nearly 300 people were killed after a powerful earthquake rattled Morocco on September 8 night, according to a preliminary government count, with Marrakesh residents reporting "unbearable" screams followed the 6.8-magnitude quake. (Photo by FADEL SENNA / AFP)

Sep 09 (Jowhar.com)-Waxaan hadda xaqiijinnay in 632 qof ay dhinteen 329 kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Morocco, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay wasaaradda, dadka dhaawacmay, 51 ka mid ah ayaa ku jiray xaalad halis ah dhulgariirka ka dib.Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sii kororto kadib dhulgariirkii la sheegay in uu ku dhuftay saddex meelood meel dalkaasi kamida.

Dhul-gariirka oo ka dhacay magaallo xeebeedka Maraakish ayaa halbeegiisa lagu sheegay 6.8 ilaa 7.0 ee Richter Scale, waxaana socda gurmad loo sameenayo dadka waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirka.

Wararka ayaa sheegaya in dhibaato weyn ay ka jirto sidii loo gaari lahaa tuulooyinka fog fog ee ku yaalla buuraha Atlas oo uu dhulgariirku si ba’an u saameeyay.

Waxa laga yaabaa inay qaadato maalmo ka hor inta samatabbixiyeyaashu aanay gaarin tuulooyinkaas oo badi ka kooban dhismayaal duug ah.

Xataa dadka ku nool jasiiradaha Canary ee xeebaha Morocco iyo Algeria oo deris la ah bari ayaa sheegay inay dareemeen dhulgariirka.

Wasaaradda arrimaha gudaha Morocco ayaa sheegtay in ay socdaan gurmad loo sameenayo dadka waxyeeladu soo gaartay, waxa ayna wasaaraddu tacsi u dirtay dadka ku dhintay dhul-gariirkan dhacay.

Dhinaca kalena, Turkiga ayaa durba muujiyay sida ay uga xun yihiin dhulgariirkii xoogga badnaa ee ku dhuftay Morocco, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 600 oo qof.

“Waxaan murugada u dirayaa dhammaan dadka Marooko ee ay waxyeelada ka soo gaartay Musiibadii Dhul-gariir ee aan walaalaha nahay ee Marooko” ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, isagoo u rajeeyay inuu u naxariisto dadkii ku dhintay, kuwa ku dhaawacmayna uu caafimaad degdeg ah siiyo.

“Waxaan ku garab taaganahay walaalaheen Morocco wax walba oo ay awoodaan maalintan adag” ayuu Erdogan ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale muujisay murugo, iyadoo sheegtay in Turkiga “uu diyaar u yahay inuu bixiyo nooc kasta oo taageero ah si loo daweeyo dhaawacyada.”

“Waxaan tacsi u diraynaa shacabka iyo dowladda Marooko ee saaxiibada iyo walaalaha ahba leh, Alle ha u naxariisto intii ku dhimatay, kuwa dhaawacmayna waxaan u rajaynaynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhulgariirkii ugu dambeeyay ee ku dhuftay Morocco wuxuu ahaa 2004, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More