Xamze oo Doxa kula kulmay saraakiil Soomaali ah oo tababar uga socdo dalkaasi

Sep 09 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre, ayaa  magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya oo mudooyinkan booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo madaxda ugu sareysaa dalkaasi kahor inta uusan dalka dib ugu soo laaban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More