Kursiga HOP#039 oo maanta doorashadiisu ka dhacayso Beledweyne

April 04 (Jowhar.com) –Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaa sheegay in doorashada Kursiga HOP#039 ay maanta ka dhici doonto magaalada Beledweyne.

Sidoo kale guddiga ayaa xalay qoraal uu soo saaray ku shaaciyay magacyada xubnaha soo xulaya ergada ka qeybgalaysa doorashada kursiga.

Waa markii ugu horeysay ee maalin kaliya la soo gudbiyo doorashada isla maalintaasna ay dhacdo doorashada.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa weli ku harsan doorashada kursigii ay hore ugu fadhiday Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi marka laga reebo kursiga maanta la qorsheeyay doorashadiisa.

Hase yeeshee Hirshabelle ayaa waxaa weli ka dhiman doorashadiisa illaa lix kursi oo taal magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo muddo labo bilood ah kusugan magaalada Beledweyne uu dib ugu soo laabtao Jowhar si loo qabto doorashada lixda kursi ee taal weli magaalada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More