Doorashada kursiga Hop#039 oo maanta lagu qabanayo magaalada Beledweyn

April 04 (Jowhar.com) –Magaalada Beledweyn oo ah deegaan doorashada labaad ee Hirshabelle waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada kursiga sumadiisu tahy Hop#039, iyadoo guddiga doorashooyinka ay sheegeen iney u diyaar garoobeen qabashada howshan.

Musharixiinta u tartamaya kursigan oo ay ku jirto Drs Maryan Axmed Haaruun taas oo markale dooneysa inay u tartanto ayaa isla maanta gelinka hore la diiwaan gelinayaa, iyadoo gelinka danbena la qabanayo doorashada.

Guddiga xulista Ergada ee isugu jira Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ayaa soo gudbiya liiska ergada dooraneysa musharixiinta kursiga Hop#039, iyadoo kursigan uu noqnayo midka ugu danbeeya ee kuraasta beesha Xawaadle.

Hirshabelle waxaa haatan ku harsan oo kaliya 7 kursi, lix waxa ay taalaa magaalada Jowhar, halka kursiga kalena uu yaalo Beledweyn, waana midka sumadiisu tahay Hop#135 oo ay hore ugu fadhisay AHUN xildhibaan Aamina oo Beledweyn lagu dilay, si tartanka looga reebo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More