Kusimaha madaxweynaha oo Q.Midoobe kala hadlay dagaaladii u danbeeyay ee xadka.

July 25 (Jowhar.com)-Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa waxa ay masuuliyiintu ugu hadleen weeraradii ugu dambeeyay ee ay Al Shabaab ka geeysteen qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka Itoobiya.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa ay soo hadal qaadeen sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay siineeyso Qaramada midoobay ee Golaha Shacabka JFS iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiye Madoobe.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa waxay ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gurmadka Abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More