Labo askari oo 24kii saac ee la soo dhaafay lagu diley Muqdisho

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ayaa shalay iyo maanta siyaabo kala duwan loogu diley caasimada dalka ee Muqdisho.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa lagu diley maanta agagaarka Warshadda Caanaha ee degmada Hodan askari ka tirsan ciidamada ilaalada waddooyinka ama taraafikada.

Askariga ayaa waxaa diley rag ku hubeysan bastoolado iyagoo markii ay dileen askarigana ka baxsaday goobta.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo goobta ka qaaday meydka askariga la diley.

Sidoo kale waxaa shalay guri ay ka degeneyd degmada Hodon lagu diley gabar askari ahayd taasoo lagu hordiley carruurteeda.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah intaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More