Senatoradii ugu dambeeyay ee Aqalka Sare oo maanta lagu doortay Dhuusamareeb

Labadii Senator ee ugu dambeeyay golaha sare ee baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa goordhow lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdi Cismaan Xareed ayaa ku guuleystey doorashadii lagu qabtay maanta magaalada Dhuusamareeb kadib markii labadii musharax ee la tartami lahayd ay u tanaasuleen.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhamaantood ahaa kuwa aan lagu tartamin balse ay tanaasuleen xubno Senatarada guuleestay malxiis ahaan usoo qorteen.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka bilowdaan gobolada dalka doorashada xidhibaanada Golaha Shacabka kadib markii dhawaan la soo saaray jadwalka doorashada Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More