Lix Kursi oo maanta lagu doortay maanta magaalada Baraawe

Magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta lagu doortay lix kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa qaar ka mid ah waxa ay yihiin dhalinyaro ku cusub siyaasadda.

Hop-250 ayaa waxaa ku guuleystey Cali Maxamed Sheekh oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

Hop-160 Maxamed Yuusuf Xasan ayaa lagu doortay magaalada Baraawe isagoo ahaa Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed.

Hop-173 waxaa ku guuleystay Cabdifataax Cabdulaahi Araye.

Hop-080 Waxaa ku guuleystey Aweys Xuseen Macalin, waxana kursigan hore ugu fadhiyay Maxamed Cumar Dhalxa.

Hop-155 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Jawaahir Cadaawe Cabdi oo kursigaan horay ugu fadhiday,

Hop-150 Waxaa ku guuleystay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure.
Ammaanka ayaa magaalada Baraawe maanta aad loo adkeeyay kadib markii shalay lagu weeraray madaafiic kuwaasoo sababay in dad rayid ah ay ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More